Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xaaladda dhaawacyada qaraxyadii Muqdisho ee la geeyay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.
Qoraal ayuu soo diray Yuusuf Garaad ayuu ku sheegay in dad badan ay la xiririeen isaga iyo mas’uuliyiin kale ee dowladda oo walaac ka muujiyay xaaladda dhaawaca shalay iyo dorraad la geeyay dalka Suudan.
Wuxuu sheegay inay ka warqabaan arrintaasi, isla markaana inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen. Inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo.
“Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum. Mahadi ha ka gaarto. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa..” ayuu yiri Yuusuf Garaad.