Guddi dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday baaritaanka shilkii dadka lagu laayay ee ka dhacay degaanka Bariire ayaa maanta tegaya goobtii uu shilku ka dhacay.
Guddigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) waxaa ka mida saraakiisha ciidamada, waxaana degaanka Bariire ku sugaya odayaasha iyo dadka degaankaasi oo wareysi ay la yeelan doonaan.
Wasiir Ducaale ayaa hore u sheegay inay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan sidii wax uga dhaceen Bariire oo lagu dilay 10 qof markii ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dad beeraley ah ay isku dhaceen.
Xukuumadda ayaa muddo 5 maamlmood ah gudahood guddigan ka sugeysa warbixin dhammeystiran oo kiiskan la xiriia.
Wadani