Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Halkee Guddoomiye Yariisow ku wadaa Maamulka Gobolka Banaadir..? [Khaladaadka uu ku kacay 4 Bilood Gudahood]

    Halkee Guddoomiye Yariisow ku wadaa Maamulka Gobolka Banaadir..? [Khaladaadka uu ku kacay 4 Bilood Gudahood]

    May 25, 2018Updated:May 26, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qormadan saddexaad ee ka mida qormooyinkeena xiriirka ahaa ee 100-kii maalmood ee Xafiiska ugu horeysay Guddoomiye Yariisow iyo Gobolka Banaadir waxaan ku eegeynaa qaabka uu Gobolka Banaadir u maamulo guddoomiye C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

    Guddoomiyaha Maamulka G/Banaadiroo ahaa wasiirkii hore ee Warfaafinta C/raxmaan Yariisow, wuxuu maamulka Gobolka Banadir la wareegay aakhirkii bishii Janaayo 2018, isagoo markaas kadib oo hadda laga joogo 4 bilood ku dhaqaaqay arrimo dhowr ah oo keenay in wax la iska weydiiyo inuu xilka ku raagi karo iyo inkale.

    Khaladaadka waaweyn ee Guddoomiyaha G/Banaadir ku dhaqaaqay inuu uu xilka Gobolka Banaadir hayey waxaa ka mida:

    1- Isku shaandheyn lagu sameeyay agaasimeyaasha G/Banadir oo keentay in beel qura xubno badan ku yeelato qeybta Dakhliga ee Maamulka G/Banadir, [Akhri warkan].

    2- Shaqo joojin sabab la’aan agu sameeyay shaqaale badan oo Gobolka loo qaatay xilliyadii ugu danbeeyay ee maamulkii Taabit Cabdi [Akhriso Warkan oo faahfaahsan].

    3- Qorshe dib loogu soo nooleynayo  Canshuurtii Guryaha Magaalada Muqdisho ee muranka badan ka taagnaa, isagoo heshiis la galay shirkad hore canshuur u qaadi jirtay dowladii hore ee Xasan Sheekh (Akhriso).

    4- Qorista shaqaale Shirkad gaar loo leeyahay oo ka bada 40 oo lagu soo daray shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo heshiis qarsoodi ah oo lacago ay sheegteen oo deyn ah lagu siinayo oo lala galay.

    5- Lacagta Maamulka G/Banaadir si joogto ah loogu isticmaalo laguna bixiyo ololaha xukuumadda Soomaaliya iyo shirar iyo xaflado aan dhammaad lahayn oo si joogto ah loo qabto [Akhriso faahfaahin]

    6- Kala qeybin madaxda maamulka G/banaadir, isagoo xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ka dhigtay guddoomiye ku xigeenka labaad, iskana fogeeyay xubnaha maamulka ee lala magacaabay marka laga reebo ku xigeenkiisa Maamulka iyo Maaliyadda. [Akhri Warbixinta]

    7- Magacaabid xilal badan oo kaliya laga rabo in lagu naas-nuujiyo saaxiibo iyo shaqsiyaad aan loo heyn wax ay ka qabtaan Maamulka Goboka Banaadir. [Akhriso Warkan]

    Guddoomiyaha xilka ku magacaaban oo aamisanaa inuu xilkan u dhiibtay Ra’iisal wasaaraha, wax walibana u sameyn jiray sidii uu u heli lahaa raali ahaanshihiisa,  ayaa ku soo baraarugay in olole iyo cadaadis uga yimid xafiiska Madaxweynaha, taasoo keentay inuu muddooyinkii ugu danbeeyay isku dayo inuu u dhowaado Madaxweynaha, isagoo soo nooleeyay fulinta Wareegto Madaxweyne Farmaajo soo saaray intii aan xilka loo magacaabin. [FAAHFAAINTA KA AKHRISO HALKAN]

    LA SOCO QORMADA XIGTA..


    AKHRISO QORMADII HORDHACA

    FAAQIDAAD: 100-kii Maalmood ee ugu horeysay Guddoomiye Yariisow & Maamulka G/Banaadir [Qormooyin Taxane ah]

    AKHRISO QORMADII KOOWAAD

    AKHRISO: Sidee Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir loogu magacaabay C/raxmaan Yariisow..? [Qorshihii loo qariyey …]

    AKHRISO QORMADII LABAAD

    KASHIFAAD: Wax ka ogow Labada Garab ee ay u qeybsameen Maamulka G/Banaadir & Xilka weli la isku heysto

    LA SOCO QORMADA 4-AAD

    Qormada xigta waxaan ku faaqidi doonnaa heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira G/Banadir iyo Dhulal Dan  guud ah oo uu bixiyey Guddoomiye Yariisow mudadii yareyd ee uu xilka hayay…

    100 maalmood ee C/raxmaan Yariisow G/Banadir Guddoomiye Yariisow Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeerar Qarax loo adeegsaday oo ka dhacay Baar ku yaalla Magaalada Ontario ee Canada & dadkii fuliyey oo baxsaday
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo Muxaadaro ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada [Daawo Baaqa Dagaalka Tukaraq]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo