Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»KASHIFAAD: Maxay Shabaabku u sheegan waayeen Qaraxyada ay Dadka badan ku xasuuqaan? [Akhriso 2 Sabab]

    KASHIFAAD: Maxay Shabaabku u sheegan waayeen Qaraxyada ay Dadka badan ku xasuuqaan? [Akhriso 2 Sabab]

    December 29, 2019Updated:December 30, 20193 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qarax loo adeegsaday Gaari weyn oo xamuul ah, lagana soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa aroortii 28-ka Disembar 2019 sababay mid ka mida qasaarihii ugu badnaa ee dad shacab ah lagu laayo magaalada Muqdisho.

    Weerarkan oo ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye oo ah goob gawaarida lagu baaro, laguna qaado canshuuraha waxaa ku dhintay dad ka badan 100 qof oo u badan shacab, ayna ugu horeeyaan ardayda Jaamacadaha Muqdisho, dhaawacuna wuxuu gaaray in ka badan 120 kale.

    Alshabaab oo lagu yiqiin inay sheegtaan Qaraxyada Muqdisho way ka xishoodeen inay sheegtaan mas’uuliyadda qaraxa dadka badan galaaftay ee shalay, waxayna ka door bideen inay ka aamusaan sida qaraxii Soope, iyadoo la wada ogyahay inay soo abaabuleen, kana dambeeyeen xasuuqa dadka faraha badan ee shacabka ah.

    Ma jirto cid uu shaki uga jiro in Shabaab ay qaraxan kasoo abaabuleen gobolka Shabeelada Hoose oo ah goobta lagu diyaariyo qaraxyada iyo is-miidaamiyeyaasha, ayna tahay kooxda kaliya oo khibrada iyo dad fuliya u heysata qaraxyadan oo kale, laakiin waxaa la is-weydiinayaa sababta ay Alshabaab u sheegan weyday qaraxyada qasaaraha badan dhaliya ee dadka badan dhintaan…?

    Waxaa jira laba qodob oo loo aaneyn karo in Alshabaab ay ka gaabsadaan qaraxyada ay abaabulaan ee dhaliya qasaaraha fara badan, waxayna kala yihiin:

    SHABAAB -MA ALQAACIDAA MISE DAACISH..?

    Alshabaab oo ah urur ku xiran Alqaacida oo mabda’ ahaan caddeeyay inuu hoos tago hoggaanka ururkaasi ee uu hoggaamin jiray Usaama Bin Laaden, haddana uu madax u yahay Ayman Aldawahiri waxaa khalad ku ah inay beegsadaan dadweynaha, iyagoo dagaalkoodu ku dhisan yahay inay iska ilaaliyaan qasaare badan oo shacabka soo gaara.

    Mabda’aasi waxaa muuqata inay Alshabaab ka baxday, iyadoo dano kale ka leh inay qaraxyo waaweyn soo abaabusho, waxayna sidaasi ku feker noqotay Daacish oo iyaduna aaminsan in dadka oo dhan la leyn karo marka ay ku hoos nool yihiin dowlado ay aamisan tahay inay gaalo-raac yihiin ama Gaalo.

    Sidaas waxay hadda Alshabaab ku noqotay mid raacsan Alqaacida, balse u dhaqanta sida Daacish, waxaana ugu wacan inay Alqaacida ay dunidoo dhan awoodeedii ku yaraatay oo keligeed kusoo hartay Somalia iyo inay isu bedeleyso urur dhaqaale u dirir ah.

    KACDOON DADWEYNE

    Alshabaab waxaa kaloo ku qasbay inay ficilkooda ka gaabsadaan iyagoo ka cabsi qaba kacdoon dadweyne iyo in carada iyo murugada umadda ay keento in lagu kaco oo la iska qabto; taasina waxa y ka muuqataa sidii dhalinyarrada Soomaaliyeed ay uga falceliyeen qaraxii weynaa ee Zoope iyo kacdoonkii ay dhigeen oo dowladda Somalia ka faa’iideysan weyday, marka laga reebo in Guuto ciidamo ah lagu dhisay magaca xasuuqii Soope.

    Qaraxyada waaweyn ee dadka badan lagu xasuuqay oo ay Alshabaab ka gaabsadeen inay sheegtaan, waxaa ka mida Qaraxii Hotel Shaamow sanadkii 2009 oo lagu laayay arday qalin jebineysay iyo madax u badan wasiiro ka tirsanaa dowladii xilligaasi. Waxay kaloo ka gaabsadeen Qaraxii Zoope ee Oktoobar 2017 oo in ka badaa 600 qof ay ku laayeen, waxaana ku soo xigay qaraxii shalay ee 28 Dec 2019 ee hadda dhiigiisu qoyan yahay.

    Qarixii Hargaha iyo Saamaha ka dhacay ee sanadkii 2011 Alshabaab ku laayeen Arday fara badan oo 100 gaaraya, wuxuu ahaa qaraxa kaliya ee qasaaraha badan dhaliyey, basle Alshabaab ay sheegatay iyadoo ku doodeysa inay dileen ciidamo ka tirsan dowladda, waxayna taasi keentay in dad badan ay Alshabaab ka horjeestaan ayna ku ogaadeen xaqiiqada Alshabaab.

    Alshabaab EX Kontrol Afgoye Qaraxii Soope Qaraxyada Alshabaab Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDiyaarad weyn oo caafimaad oo ka timid Turkiga iyo Dhaawacyada Qaraxii Muqdisho oo Goor dhow la qaadayo [Sawirro]
    Next Article Qaali Ibraahim: Gabar 18 jir Aroos cusub ahayd oo Saygeeda ku weyday Qaraxii Muqdisho [Qiso xanuun badan]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo