Xaaladda is-mari waaga ah ee ka taagan magaalada Kismaayo iyo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee Berri ka dhaceya halkaasi waa natiijadii ka dhalatay diidmada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uga hor yimid heshiis dhex maray Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Axmed Madoobe.
Heshiiskan oo muddo dheer laga shaqeynayey waxaa soo bilaabay Fahad Yasiin, kadibna waxa magaalada Kismaayo lagu gaaray bishii Maarso 2018 heshiis iyadoo si weyn loo maamuusay Ra’iisal wasaare Kheyre oo socdaal uu ku tegay magaalada Kismaayo (Halkan ka akhriso). Heshiiska Kheyre iyo Axmed Madoobe waxaa lagu shaaciyey xaflad sagootin ah oo magaalada Kismaayo ka dhacday 15-ka Maarso, waxayna labada mas’uul shaaciyeen in wax waliba ay isla meel dhigeen isla markaana Madaxweyne Farmaajo ansixin doono heshiiskaasi.
“Qodob waliba oo khilaafka ka jiray waan dul istaagnay annaga iyo Ra’iisal wasaarahuba, waana ka heshiinay, waxaana isku afgaranay in aan Madaxweynaha u tagno si loo dhammeeyo khilaafka” ayuu yiri Axmed Madoobe; halka Xasan Cali Kheyre khudbadii uu jeediyey ay ka mid ahayd: “Safarka aaan Kismaayo ku imid waxa uu ahaa Safar mira dhal ah, Madaxweynaha Jubbaland oo idinka wakiil ah waxaan ballan qaadeyaa in aan wada shaqayn doono, aniga iyo Madaxweynaha Jubbaland waxaan u wada tagi doonnaa Madaxweynaha Soomaaliya halkaas oo lagu dhamayn doono inta dhiman..”

HESHIISKA QABYADA AHAA KADIB MAXAA DHACAY..?
Heshiiskaasi kadib waxaa magaalada Muqdisho yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdi la socda oo diyaar u ahaa in la dhammeystiro heshiiska Kismaayo ka dhacay ayna helaan ansixinta Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaa heshiiskii ka cago jiiday Madaxweynaha oo cadaadis ka heystay dhinacyo kala duwan. Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa si wanaagsan u qaabilay wafdigii Axmed Madoobe, isagoo fuliyey arrimo dhaqaale oo heshiiska fure u ahaa balse madaxtooyada ayaa albaabada ka xiratay Axmed Madoobe.
Waxaa dhibaato noqotay inay kulmaan Madaxweyne Farmajo iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho ku sugnaa, waxayna wafdiga Axmed Madoobe muddo ku habsaameen caasimadda, iyadoo xafiiska Madaxweynaha iska dhega tiray heshiiska weyn ee Raiisal wasaaraha la galay Axmed Madobe, kadibna is arag cadaadis ku yimid toddobaad kadib uu madaxweyne Farmaajo si hoose ugu qaabilay Axmed Madoobe.
Xogta la helay ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu cadaadis kala kulmay Beeshiisa, taasoo ku dhalisay inuu ka hor yimaado heshiiskii uu Ra’iisal wasaare Kheyre la galay Axmed Madoobe, heshiiska oo muhiim u ahaa wadashaqeynta labada dhinac oo dagaal siyaasadeed u dhaxeeyay ayaa isugu jiray heshiis dhaqaale lagu siinayo, awood qeybsi iyo heshiis ku saabsan doorashooyinka 2109 ee Jubbaland iyo Federaalka 2020-2021, waxaana la fulin waayay dhammaan balanqaadyadii uu Farmaajo sameeyay si loo fuliyo heshiiska
Burburka heshiiskaasi wuxuu keenay in arrinta Jubbaland uu iska wareejiyo Ra’iisal wasaare Kheyre, waxaana madaxweyne Farmaajo u xil saaray Koox la-taliyeyaashiisa, kuwaasoo hadda u muuqda inay ku fashilmeen in Axmed Madoobe ay meesha ka saaraan sida ay qosheysteen, waxaana u haray oo kaliya inay qas ka abuuraan Kismaayo ama inta ka dhiman xiliga dowladda Federaalka ay ku qaadato inaysan aqoonsan oo dagaal siyaasadeed oo aan hore loo arag la gasho Axmed Madoobe oo ay iska caddahay in mar kale uu kusoo bixi doono markii saddexaad kursiga madaxweynaha Jubbaland.