Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, isagoo magacaabay Guddoomiye cusub.
Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u magacaabayGaryaqaan Baashe Yuusuf Axmed, waxaana arrintan lagu sheegay inay ka danbeysay cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira iyo in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah.
“Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday.” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka.