Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay Dooda iyo cabsida uu dhaliyay heshiiska Madasha Qaran ee Doorashada dalka, wuxuuna sheegya in heshiiska la geyn doono labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Isagoo ka hadlayey furitaanka kalfadhiga saddexaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayuu ku baaqay inuu dadka Soomaaliyeed iska saaraan welwelka, walbahaarka iyo cabsida laga dhex tusiyay heshiisyada siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray.
“Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in heshiisyadaani yihiin TALLABTII KOWWAAD EE LOO QAADAY DHANKA SAFAR KUN KM AH,. Heshiisyadaan Waxaa u dhimman talada Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowliga ah ee matala shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ma jirto cid dadka Soomaaliyeed ku xukumi karta xoog iyo dirqin. Ujeeddada go’aannada Goluhu gaaray ayaa ah in talada siyaasadeed ee dalka dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed”.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu kula dardaraamay muwaadiniinta Soomaaliyeed in HAYAANKA LOOGA GUURAYO FADHIIDNIMADA SIYAASADEED, sida uu yiri ee DHISMAHA DOWLAD QARAN aan laga dhex raadin dano siyaasadeed, balse lagu eego dareen u adeegaya dadaalkeena wadajirka ah ee an dib ugu yegleelayno dhismaha dowlad qaran.
“Waxaan ka codsanayaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in inta uu ku gudajiro Kal-fadhigiisa 3aad siiyo mudnaanta ugu sarraysa iskuna howlo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka isagoo ku salaynaya heshiisyada siyaasadeed ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, si fursad loo siiyo muwaadin kasta oo doonaya inuu taladiisa ku kordhiyo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo sidoo kale hortabin siinta sharciyada kale”.
