Isbedel ayaa saaka laga dareemay magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada amniga laga qaaday wadooyinka u xirnaa magaalada oo keenay in muddo toddobaad ku dhow ay dhibaato noqoto isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Dadweynaha Muqdisho oo cabasho weyn ka muujiyay xaaladda magaalada oo laba qeybood oo kala jaray ayaa codsiyo u diray madaxda dowladda Federaalka, waxaana magaalada hareeyay xaaladda amni ee la soo rogay kadib weerarkii 23-ka Febraayo ee Alshabaab ku qaadeen xarumaha Madaxtooyada iyo NISA ee caasimadda.
Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa la sheegay inuu hay’adaha Amniga ka dalbaday furitaanka wadooyinka magaalada Muqdisho, iyo inay la yimaadaan qorshe cusub oo amniga wax looga qabto.