Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»ONLF oo Dowladda Somalia ka dalbatay Laba Qodob oo ku saabsan Kiiskii Qalbi-dhagax [Akhriso Bayaan Cusub]

    ONLF oo Dowladda Somalia ka dalbatay Laba Qodob oo ku saabsan Kiiskii Qalbi-dhagax [Akhriso Bayaan Cusub]

    August 1, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Jabhada ONLF ayaa bayaan rasmi ah kasoo saartay kulankii magaalada Asmara iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo dalbatay in laga noqdo go’aankii iyo Golaha wasiirada iyo in cudurdaar rasmi ah laga bixiyo falkii lagu dhiibay C/kariin Qalbidhagax.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA ONLF

    Markii ay taariikhdu ahayd 28/07/2018, waxaa magaalada Casmara ee waddanka Eritrea ku kulmay Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) Admiral Mohamed Omar Osmaan iyo madaxwaynaha dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo booqasho rasmi ah ku joogay waddanka Eritrea.

    Kulanku wuxuu dhacay, kadib markii madaxwaynaha Soomaaliya uu codsaday inuu la kulmo guddoomiyaha JWXO, si ay uga wadahadlaan dhibaatooyinkii ka dhashay falkii sharci darrada ahaa ee dowlada Soomaaliya ay gumaysiga Itoobiya ugu gacan gelisay halgame C/kariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax) iyo go’aankii uu Golaha Wasiirradu soo saaray ee ahaa in JWXO ay tahay urur argagixiso ah.

    Wadahadal qodo-dheer oo labada masuul dhex-maray ka dib, wuxuu madaxwaynaha Soomaaliya ka garaabay falkii sharci darrada ahaa ee dowlada Soomaaliya ay kula kacday halgame C/kariim Sh Muuse, wuxuuna sheegay in falkaasi ahaa mid si khalad ah ku dhacay.

    Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay soo dhawaynaysaa kulanka dhex-maray labada dhinac iyo natiijooyinka ka soo baxay, waxayna rumaysan tahay in kulankaasi uu dhabbaha u xaadhi karo in la wanaajiyo xidhiidhka u dhexeeya JWXO iyo dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya.

    Si loo dhammaystiro wixii ka soo baxay kulankaas, waxay JWXO ka sugaysaa dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyinka soo socda; Inay buriso go’aankii Golaha Wasiirrada ee dowlada fedaraalka Soomaaliya ka soo baxay 06 September 2017 ee ahaa in JWXO ay tahay urur argagixiso ah.

    Iyo inay cudurdaar rasmi ah ka bixiso falkii sharci darrada ahaa, oo dhaawac wayn u gaystay halgame C/kariim Sh Muuse iyo dadwaynaha Soomaaliyeed oo dhan, meel kastoo ay joogaan.

    Midnimo, Mintid, Isku-tashi iyo Guul
    Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)

    Asmara C/kariin Qalbi dhagax Farmajo Maxamed Cumar Cismaan ONLF Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Talyaaniga oo ku yaboohday dib u dhiska Maxkamadda Sare ee Soomaaliya [Sawirro]
    Next Article SAWIRRO: Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo Galabta gaaray Magaalada Garowe & Shirkii Golaha….

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo