Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa booqday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo u muuqda inuu ka mid noqday ololaha siyaasadeed ee Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa guriga ku booqday Senator Qeybdiid kadib markii ay halkaasi tageen xildhibaannada mucaaradka iyo siyaasiyiinta ku kacsan dowladda Federaalka oo sawirro ay ku soo galeen Guriga iyo fadhi ay la qaateen Cabdi Qeybdiid soo bandhigay.
Siyaasiyiinta booqatay Guriga ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakur oo sheegay inuu aad uga xun yahay weerarka lagu qaaday guriga Senator Qeybdiid oo ah guddoomiyaha guddiga dastuurka labada gole ee Baarlamaanka.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Cabdi Qeybdiid kulan kula qaatay hoygiisa, isagoo kala hadlay wixii ka dhacay Guriga kuna wargeliyey halka ay marayaan baaritaanka ku saabsan weerarka guriga loo geystay.
Muqdisho ayaa ku jira xaalad siyaasadeed dhacdo kasta lagu doonayo in guul siyaasadeed ay ka dhigtaan kooxaha is haya ee dowladda ku kacsan iyo madaxda dowladda Federaalka.