Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayo saraakiil iyo sarakiil xigeen ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu tababarray saldhigga ciidamada Turkiga ee Soomaaliya.
Waa dufcadii labaad ee ciidamada heerkan ah oo ka qalin jebiya Dugsiga Tababarka ee Turk-Som oo ah Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka mida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ku amaanay dowladda Turkiga inay tahay dal walaal ah oo kaalmeynaya Soomaaliya si ay dowladnimadoodii dib ugu soo ceshtaan iyagoo aan dano gaara ka lahayn.






