Faahfaahin dheeraad aha ayaa laga helayaa sarkaal lagu dilay magaalada Gaalkacyo, dhinaca Puntland ka taliso xalay iyo qof loo qabtay dilkaasi.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Maxamed Samatar, wuxuuna ka tirsanaa saraakiisha Puntland ee qeybta dambi baarista ee gobolka Mudug. Dilka sarkaalkan waxaa ka danbeeyay dabley ku hubeysan Bistoolado oo toogtay xilli uu ku sii jeeday gurigiisa,waxayna ku baxsadeen Mooto Bajaaj.
Saddexda nin ee falkan ka dambeeyay ayaa la sheegay in mid ka mida lasoo qabtay, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug Col. Mu’min Cabdi Shire, waxaana hadda ku socda baaritaan.
Hore waxaa qarax miino uga badbaaday sarkaalka madaxda u ah Hay’adda CID-da Gobolka Mudug. Waxaana qaraxa hore sheegatay Alshabaab.
Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhacaan qaraxayada iyo dilalka qorsheysan oo inta badan ay fuliso Alshabaab.
