Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Somalia & Kenya oo Berrito isku wajahaya Hague [W/Q: Yusuf Garad]

    Somalia & Kenya oo Berrito isku wajahaya Hague [W/Q: Yusuf Garad]

    September 18, 20163 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ah Waax ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa berri oo Isniin ah billaabeysa dhegeysiga dacwad dhex-taalla Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal ee deriska ah.

    Soomaaliya ayaa dacwadda geysay Maxkamadda oo ay xaruntee
    du tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands bishii August ee sannadkii 2014.

    icj-nabadKenya waxaa ay ka soo horjeeddaa dacwadda ayada oo leh doodda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya waa mid ka baxsan xeer-xeyndaabka Maxkamadda. Sidaa darteed ma ahan in ay Maxkamaddu gasho dacwaddan.
    Laakiin Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in Maxkamaddu ay go’aamiso soohdin-badeedda labada dal meesha ay noqoneyso.

    Maxkamaddu waxay go’aansatay in labada dhinac ay isugu yeerto. In Kenya laga dhegeysto waxa ay ku saleyneyso diidmadeeda ay Maxkamadda uga dalbeyso in aanay dacwadda furin. Jawaab celin ayaa laga dhegeysan doonaa Dowladda Soomaaliya. Waxaa keliya oo dacwadda hadda la dhegeysanayaa ay ku saabsan tahay in ay tahay Maxkamaddu in ay gasho dacwadda oo ah doodda Soomaaliya iyo in ay go’aamiso in aanay dacwaddan geli doonin oo ah sida ay Kenya dooneyso.

    Dooddu waxay u dhici doontaa sidan:

    Wareegga Koowaad

    Kenya waxaa la dhegeysan doonaa Berrito oo ah Isniin 19-ka September, laga billaabo saacadda Hague marka ay tahay 10:00 ilaa 13:00.

    Soomaaliya waxay jawaab celineysaa Talaado 20 September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00

    Wareegga Labaad

    Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

    Soomaaliya  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

    Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

    Inkasta oo dooddani ay tahay mid Dadweynaha u furan, haddana Maxkamadda kuraasteedu waa ay kooban yihiin. Waxaa muhiimadda la siin doonaa Ergooyinka labada dal ee ay Dacwaddu u dhexeyso iyo Diplomaasiyiinta.

    hague-dr-axmed-c-dahir-dr-faqi-iyo-cali-wolf
    Axmed C. Dahir (Dhexda)

    Soomaaliya waxaa uga qeyb gelaya Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir oo horkacaya khubaro heer caalami ah oo qaanuun iyo farsamayaqaanno ku takhasusay soohdimeynta badaha oo isugu jira Soomaali iyo ajnebi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Diplomaasiyiin kale, saraakiil hore iyo madax iyo wakiillo ka socda laamo Dowladda ah iyo bulshada rayidka ee dalka gudhiisa iyo dibaddiisaba.

    Soomaaliya iyo Kenya badda ay ku muransan yihiin waxaa la aamminsan yahay in uu ku jiro shidaal ay tahay in biyaha hoostooda laga soo saaro. Soomaaliya markii ay dacwaddan gudbisay 28 August 2014 wixii ka dambeeyay, waxaa aag badeedkaas isaga baxay sharikado shidaal baarayay oo Kenya heshiis kula jiray, marka laga reebo sharikadda ENI ee dalka Talyaaniga oo ilaa hadda ku jirta biyaha lagu muransan yahay.

    Dacwada Soomaaliya oo ah qoraal dhammaystiran waxaa July 2015 Maxkamadda geeyay Xeer Ilaaliye Dr. Axmed Cali Dahir. Waxaa la sawiran (Bidix) Danjiraha Soomaaliya ee Brussels, Dr. Cali Faqi iyo Qunsulka, Cali Abuukar. Waxaan sawirkaa uga qaaday Maxkamadda horteeda, daqiiqado ka hor inta aan dacwadda la gudbin.

    Soomaaliya waxaa ka go’an in ay u dooddo xuquuqdeeda iyada oo aab cidna ku xad gudbin.

    Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa Waax ka mid ah lixda Waaxood ee waaweyn ee ay Qarammada Midoobay ka kooban tahay. Maxkamadda Xarunteedu waa Hague, Netherlands, halka shanta Waaxood ee kale ee Qaramada Midoobay ay xaruntoodu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

    Wakiillada Soomaaliyeed ee dacwadda goobjoogga ka ahi waxaa ay qorsheynayaan in ay Dadweynaha Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ay uga warramaan sida ay dooddu u dhacday iyo dareenkooda.

    Haddii aad dooneyso macluumaad intan ka badan, fadlan halkan dhag sii oo akhri maqaal Cinwaankiisu yahay “Soomaaliya Vs Kenya” oo aan qoray July 2015 halkan ka akhriso

    Posted by Yusuf Garaad 

    Dacwadda Badda Kenya-Somalia Maxkamadda Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNTERNATIONAL COMMUNITY WELCOMES THE PROGRESS MADE IN CLARIFYING THE ELECTORAL MODEL
    Next Article Dowladda Soomaaliya oo Guddi korjoogto ah u dirtay Maxkamadda Cadaaladda Hague

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo