Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Khartoum ayaa sheegaya inay ciidamada dowladda ay hareereeyeen saldhigyada ciidamada gadoodsan ee hay’adda Nabadsugidda dalka Suudaan oo qalalaase ka sameeyay caasimadda Khartoum.
Ciidamadan oo ahaa nabadsugid hubeysan ayaa lagu amray inay ku kala biiraan ciidamada kale sida Milateriga iyo Booliska dalkaasi, laakiin waxay doorteen inay shaqada ka tagaan oo la siiyo lacag magdhow intii ay ka mid ahaayeen ciidamada Nabadsugidda dalkaasi, taasoo ay ogolaatay dowladda, laakiin waxay ka caroodeen qiime lacag loo qoondeeyay, taasoo keentay inay xirtaan xarumahooda, ayna rasaas cirka u ridaan, taasoo keentay in la xiro wadadda weyn ee tagta Garoonka Khartoum, isla markaana la hakiyo duulimaadyadii.
Ciidamada dowladda ayaa isku gadaamay dhismaha ciidamada gadooday, waxaana War cad soo saaray ku xigeenka Guddoonka Golaha sare siyaasadda ee dalkaasi Gen. Maxamed Xamdaan Xamidti oo sheegay inay ciidamada ay hareereeyeen dhammaan xarumihii ciidamada gadoodka ku dhaqaaqay, ayna xaaladda gacana ku hayaan, wuxuuna kacdoonkan ku eedeeyay inuu ka dambeeyay taliyihii hore ee sirdoonka Sudan Gen. Salah Gosh uu ku sugan dalka Masar.
Weerarka ciidamada ku qaadeen ayaa lasoo gabagabeeyay xalay saqdii dhexe, waaaana la sheegay inay ku dhinteen laba askari, halka laba askari oo kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo dhammaan xarumihii ciidamada gadooday ay ciidamada la wareeegeen milateriga iyo kuwa gurmadka degdega ah, waxaana ciidamadaasi loo diray fasax dheer inta xaqooda la siinayo.
Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan ayaa isna shacabka dalkaasi u sheegay in xaaladda gacanta lagu hayo oo aanay jirin wax laga welwelo, iyadoo la xalin doono arrinta ciidamada gadooday.