Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Wargeys kashifay inuu Farmaajo heysto dhalasho dal kale iyo sababtii uu isaga celiyey Basaborka Mareykanka

    Wargeys kashifay inuu Farmaajo heysto dhalasho dal kale iyo sababtii uu isaga celiyey Basaborka Mareykanka

    May 1, 2021Updated:May 3, 20212 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wargeyska New York Times ayaa kashigay sababtii uu Maxamed C/llaahi Farmaajo isaga celiyey baasaboorka Mareykanka iyo inuu hore u qaatay Baasaboor dal kale.

    Maqaal dheer oo ay wadajir u qoreen Declan Walsh iyo Abdi Latif Dahir ayaan cinwaan looga dhigay; “Ninkii reer Buffalo ee Soomaaliya haadaanta ka ridaya” ayaa si weyn loogu faahfaahiyey sida wiil dhalinyaronimo ku galay Mareykanka oo wax ku bartay dalkaasi uu Soomaaliya madax uga noqday, halkii uu dimoqraadiyad ka hirgelin lahaana isu bedelay nin kursi u ooman oo muddo kororsi sameystay, taasoo dalka Soomaaliya qarka u saartay burbur iyo dagaallo.

    Warbixinta Wargeysja ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday e Mohamed Abdullahi Farmaajo uu hore u qaatay Baasaboorka dalka Canada intii aanu noqon muwaadin Mareykan ah; iyadoo Canada ay deganaayeen hooyadii iyo qoyskiisa.

    Arrinta xiisaha leh ayaa ahayd in warbixinta lagu xusay inuu Farmaajo baasaboorka Mareykanka iska celiyey kaddib markii ay baaritaan ku furtay wasaaradda maaliyadda Mareykanka oo baareysay dhaqaalaha sharci darrada lagu helo, sida uu Wargeyska kasoo xigay saddex ka mida saraakiisha Mareykanka ee arrintan la socotay.

    Farmaajo ayaa la sheegay intii uu ku noolaa magaalada Buffalo ee ka tirsan New York, inuu sabab u noqday burburka urur ay leeyihiin jaaliyadda Soomaalida ee degaankasi, kaddib markii uu diiday inuu xilka wareejiyo; markii uu muddo xileedkiisu dhammaaday. Arrintaas waxay keentay inay laba qeybood ugu kala jabaan Jaaliyadii.

    Qoraalka Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maxamed Farmaajo intii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya uu ka shaqeeyay “kala qeybin qabyaaladeysan oo dadka Soomaaliyeed uu dhex dhigay; ugu danbeyna isku dayey muddo kororsi keenay in dalkii uu madaxda ka ahaa xilligan qarka u saarmay colaad sokeeye oo uu isagu sababay.

    “Sanadkii 2019, Mudane Maxamed Farmaajo wuxuu ka tanaasulay dhalashadiisii ​​Mareykanka, isagoo aan sharaxaad ka bixin go’aanka, laakiin saraakiisha aqoonta u leh arinta ayaa tilmaamay hal arin oo macquul ah. Waqtiga uu Mudane Maxamed dhiibtay Baasaboorkiisa, dhaqaalihiisa waxaa ku socday baaritaan ay sameysay Waaxda Canshuuraha Gudaha ee Mareykanka” ayaa ka mid ahaa warbixinta wargeyska.

    Farmajo Mohamed Farmajo New york Times
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSafiir saaxiib la ahaa Farmaajo oo Afka furtay, uguna baaqay Farmaajo inuu xilka iska dhiibo
    Next Article XOG: Rooble oo qaaday tallaabooyin uu cadaadis ku saarayo Farmaajo iyo rajada uu ka qabo inuu la wareego…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo