Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay warar si weyn loo baahiyey oo ku saabsan kulan 13-ka bishan dhex maraya Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo ka dhcaya magaalada Addis ababa.
Wasiir Cawad ayaa sheegay inuusan wax kulan ah oo lagu dhexdhexaadinayo labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta sida lagu baahiyey baraha bulshada, wuxuuna sheegay inaysan waxba ka jirin wararka ku saabsan inay Somalia waanwaan ka galeyso Kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya ay isku hayaan ee yaalla Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.
“Ma jiraan dowlado dhexdhexaadin ka dhex wada Somaliya iyo Kenya, oo doonaya in xaaladda ay wada hadal ku dhameeyaan.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo intaas ku daray inay socdaan kulamo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo dowladaha Somaliya iyo Kenya.
Wasiir Cawad oo u warramay BBC-da ayaa ku adkeystay inaysan Dowladda Federaalka Somaliya wax gorgortan ahi ka geli doonin arrinta dacwadda badda, kana war sugayaan go’aan Maxkamadda.
Madaxtooyada Soomaaliya oo hore u beenisay wararka sheegaya inuu madaxweyne Farmajo waanwaan ka galayo kiiska badda ayaan beenin kulanka la sheegay inuu Addis ababa ka dhacayo ee dhex maraya madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya.