Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka mida siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Mucaaradka ah ay la yimaadeen ciidamo dheeraad ah iyo gaadiidka dagaalka.
Xubnahan ayaa u badan koox ku mashquulsan mooshin laga wado madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna arrintan ka danbeysay kadib markii ciidamada Nabadsugidda ee NISA ay dhowaan gurigiisa ku weerareen siyaasiga ay isku dhow yihiin ee c/raxmaan C/shakuur, isagoo weerarkaasi lagu dhaawacay, laguna dilay qaar ka mida ilaaladiisa.
Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada falkan ku dhaqaaqay ayaa ka cabsi qaba in fal la mida kii C/raxmaan C/shakuur kedis loogu qaado ama la khaarijiyo sida uu sheegay Sayid Cali Macalin oo lala xiray C/raxmaan C/shakuur.
Hay’adaha amniga dowladda ayaa xildhibaannada iyo siyaasiyiinta u ogol ilaalo kooban iyo hub aan ka weyneyn AK 47 oo sharciyeysan.