Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa kordhisay mudadda hakadka la geliyey qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliga oo 3 malmood oo hor leh lagu daray, kadib markii ay dhammaaday muddo toddobaad oo hore hakad loo geliyey.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda Socdaalka ayaa lagu sheegay in Howlo farsamo oo weli ka socda habka bixinta Baasaboorka awgood muddo saddex maalmood ah lagu kordhiyay hakadkii la geliyey adeegga Bixinta Baasaboorka, waxaan qoraalka Hay’adda lagu yiri: “Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta qabashada codsiyada baasaboorka lagu kordhiyey 3 maalin, waxayna qabashada codsiyadu dib u bilaaban doonaan maalinimada Arbacada ah, taariikhduna tahey September 25, 2019”
Dhinac kale waxaa maanta dib loo furay xarunta CID-da ee bixinta Warqadda Dembi la’aanta oo muddo laba tododbaad ah la joojiyey kadib markii taliyaha ciiiamada Booliska uu amar ku bixiyey, taasoo ka danbeysay musuq ka jiray xaruntaasi oo so shaac baxay.